HomeWararBoliska Kenya oo beeniyey  Warbixinta Hay’adda HRW ee dadka lagu la’ yahay...

Boliska Kenya oo beeniyey  Warbixinta Hay’adda HRW ee dadka lagu la’ yahay dalkaasi.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa beeniyey Warbixinta Hay’adda Human Rights ku sheegtay in ugu yaraan 34 qof oo u badan Somali  oo lagu la’ yahay dalkaasi labadii sanno ee la soo dhaafay. Afhayeenka oo Khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ku dooday inaysan Siyaasadda Dowladda ahayn inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa beeniyey Warbixinta Hay’adda Human Rights ku sheegtay in ugu yaraan 34 qof oo u badan Somali  oo lagu la’ yahay dalkaasi labadii sanno ee la soo dhaafay.

Afhayeenka oo Khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ku dooday inaysan Siyaasadda Dowladda ahayn inay dadka dilaan, isla markaana ay ku nool yihiin dal uu Sharci ka jiro.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray haddii Saraak Boliska lagu xaqiijiyo inay ku lug leeyihiin dadka la la’ yahay inuu qaadi doono Mas’uuliyadda falalkaasi.

“Ma badbaadinayno qof kasta oo jebiya Sharciga, waana la soo maxkamadayn doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Boliska Kenya.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Hay’adda Human Rights Watch dhawaan soo saartay Warbixin lagu sheegay in la la’ yaahay ugu yaraan 34 qof oo Somali ah, kuwaasi oo maarkii ugu dambeysay ku jiray gacanta Ciiddanka Kenya.

- Advertisement -

Tan iyo wixii ka dambeeyey Weerarkii Alshabaab ka geysteen Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi sannadkii 2013-kii, waxay Hay’addaha Ammaanka Kenya qaadeen Hawlgallo ka kala dhacay magaallooyinka Nairobi iyo Mandera, halkaasi oo lagu soo xiray dad badan oo ilaa haatan la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts