Sheekh Fatxullaahi Guleen oo Taageerayaashiisa lagu eedeeyey Afgembigii Fashilmay ayaa sheegay inuu oggolaan doono haddii ay Maraykanka go’aamiyeen in laga masaafuriyo Maraykanka.
Isagoo Suxufiyiinta kula hadlay gurigiisa oo ku yaalla magaalladda Saylorsburg ee Gobalka Pennsylvania ee dalka Maraukanka ayaa sheegay inuu ka walaacsanayn Masaafurintiisa.
Dowladda Turkiga ayaa ka codstay Maraykanka in loo soo gacan geliyo Ninkaasi oo mucaarad ku ah Dowladda Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa sheegay haddii ay Dowladda Turkiga keento caddaymo muujinayas inuu Fatxullaahi Gulan ku lug lahaa Afgembigii Fashilmay in laga soo masaafurin doono Maraykanka,
Waxa uu ugu baaqay Dowladda Turkiga inay kicinin xiisad wax u dhimi karaa xiriirkooda, iyadoo labadaasdi dal xubno ka yihiin Isbahaysiga NATO.
Dhinaca kale, Â Dowladda Maraykanka waxay mamnuucday diyaaradihii isaga kala gooshi jirey laabada dal, iyadoo lagu amray Diyaaradaha Rakaabka ee Maraykanka inaysan tegi Karin Turkiga.
©Radio Dalsan