HomeWararDib u sixid: Ra’iisul wasaaraha Xukuumada oo cutubya ka tirsan Ciiddanka X.D.S....

Dib u sixid: Ra’iisul wasaaraha Xukuumada oo cutubya ka tirsan Ciiddanka X.D.S. u soo xiray tababar

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gacan ka geysatay tababarkooda. Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Taliyayaasha ciidanka qalabka sida iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gacan ka geysatay tababarkooda.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Taliyayaasha ciidanka qalabka sida iyo xubno kamid ah golaha wasiirada.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xooga S/G Maxamed Aadan Axmad oo ka hadlay Xaflada ayaa sheegay in ciidankan ay waxbadan ku soo kordhin doonaan xooga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay kor u qaadi doonaan tayada ciidanka iyo weerarada ka dhanka ah kooxa argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay uga go’antahay dhisida ciidanka xooga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo soo xiray munaasabada ayaa u hambalyeeyay ciidanka tababarka u xirmay isagoona kula dardaarmay iney dalkooda u shaqeeyaan.

- Advertisement -

“Waxaan idiin kula dardaarmayaa inaad gudataan waajibaadka idiin saran ee aad ku dhaarateen islamarkaana aad dalkiina ka difaacdaan argagixisada, muhiim ayaad u tihiin dadka Soomaaliyeed waxeyna idinka sugayaan inaad u hiilisaan”

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta isagoona sheegay iney leeyihiin hal cadow oo ka soo horjeeda dowladnimada iyo nabada.

rw9 rw6

rw 1 rwrw4 ©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts