Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Gudiga Amniga, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad, Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Hirshabeelle, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Ciidanka Haram cad ee Hirshabeelle
Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixinta todobaadlaha ee xaaladaha Amniga ka dhageystay Saraakiisha Hay’adda Amaanka
Saraakiisha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo ay todobaadkaan sameeyeen oo ay ku soo qabteen Xubno ka tirsan Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga shaqada adag oo ay umadda u hayaan.