HomeWararDil labaad oo ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan iyo faah faahin...

Dil labaad oo ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan iyo faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in gabal-dhicii galabta halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka. Dilka ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka Bacda ee hoostega Matabaan, isla markaana waxaa fuliyay rag hubeysan oo loo maleynayo inay ahaayeen Maleeshiyaad, iyagoona dhowr xabadood […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in gabal-dhicii galabta halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka.

Dilka ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka Bacda ee hoostega Matabaan, isla markaana waxaa fuliyay rag hubeysan oo loo maleynayo inay ahaayeen Maleeshiyaad, iyagoona dhowr xabadood ku dhuftay Ninkaas.

- Advertisement -

Dad yaqaanay Ninka la toogtay ayaa tilmaamay inuu ahaa ruux Darawal ah oo kaxeeyn jiray gaari, balse galabta ay dileen rag hubeysan, waxaana la xusay in falkaas uu la xiriiray arrimo ku aadan aano beeleed.

Waa qofkii labaad ee wax ka yar 12-saac gudahood arrimo la xiriira aano qabiil loogu dilo deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo barqannimadii Maanta halkaas lagu qof shacab ah.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga ka dhacay dilal iyo dagaallo oo dhammaantood salka ku haya aanooyin Qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah la dhex-dhigay heshiis beelaha halkaasi inta badan ku dagaalamay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts