HomeWararKhasaaro ka dhashay Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho

Khasaaro ka dhashay Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino ayaa laga helayaa Israsaaseyn kooban oo Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya daqiiqado kahor ku dhexmartay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir. Israsaaseynta ayaa bilaabatay, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay rasaas ku kala eryeen dad isgoyska Fagax ee Yaaqshiid ka waday banaanbax looga horjeeday dowladda iyo Madaxweyne […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa Israsaaseyn kooban oo Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya daqiiqado kahor ku dhexmartay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.

Israsaaseynta ayaa bilaabatay, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay rasaas ku kala eryeen dad isgoyska Fagax ee Yaaqshiid ka waday banaanbax looga horjeeday dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo, kadibna Ciidamo Milateri ah oo halkaas tegay rasaas ku fureen Ciidanka Booliska, sidaasina rasaasta labada dhinac ay ku bilaabatay.

- Advertisement -

Wariyeyaal tegay goobta ayaa sheegay in israsaaseyntii dhacday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo kamid ahaa dadkii Fargax ka waday banaanbaxa looga horjeeday Farmaajo.

Inta la xaqiiyey 4 ruux ayaa ku dhaawacmay rasaasta, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda, sidoo kalena ay jiraan dad dhintay, in kastoo aan la cadeyn inta ay la egtahay tirada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Milateriga ee gaaray Isgoyska Fargax ay taageerayeen dadkii halkaas ka banaanbaxa ka dhigaayay, isla markaana watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga horjeedan dowladda.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ka dhan ah dowladda iyo Farmaajo, waxaana dadkii dhigayay banaanbaxa ay taayaro waaweyn ku gubeen wadada, waxaana weli kacsan xaaladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts