Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tababar gaar ah dalka Turkiga ugu dirtay Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor ee dalka, waxaana lasoo dhaweeyay Saraakiil iyo Ciidamo Cusub oo tababar soo dhameystay.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa Garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay Ciidanka tababar loo qaaday, kuwaasi oo si gaar ah uga tirsan Ururka 6-aad ee Ciidanka Gorgor.
Wasiir Xasan Xuseen ayaa Ciidanka loo diray tababarka ula dardar-maaray inay si toos ah u qaatan tababarkaas oo uu tilmaamay inuu yahay mi gaar ah, isla markaana ay bixin doonaan Saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay saraakiil iyo saraakiil xigeeno loo soo tababaray hoggaaminta Ciidamada, iyagoona tababarka kusoo qaatay Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladdaha tababarada siiya Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana dhowr mar Ciidamo ka tirsan dowladda dalkaas loogu qaaday tababar Caalami ah, halka kuwo kalena tababar lagu siiyo Magaalada Muqdisho.