HomeWararShir looga hadlayey amniga Doorashada dalka oo Maanta lasoo gaba-gabeeynayo

Shir looga hadlayey amniga Doorashada dalka oo Maanta lasoo gaba-gabeeynayo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo Shirkii Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaran ee 2020/2021 oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Caasimadda. Shirkaan oo bilowday maalintii Axada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa looga hadlayay howlada sugiga amniga doorashooyinka gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo Shirkii Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaran ee 2020/2021 oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Caasimadda.

Shirkaan oo bilowday maalintii Axada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa looga hadlayay howlada sugiga amniga doorashooyinka gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka, miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday shirka la isku afgartay qorshaha diyaar garoowga iyo sugida amniga Doorashooyinka ee dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya, xubno ka kala socdo xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Taliska Xoogga dalka, Taliyaasha Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka dalka, Wasaaradda amniga gudaha, Mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay iyo AMISOM.

Si kastaba muran xoogan ayaa weli ka taagan doorashada dalka gaar ahaan Guddiyada la magacaabay heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, isla markaana waxaa kasoo horjeeda Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo diiday soo magacaabista Guddiyada laga sugayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Musharaxiinta ay magacaabeen Guddiga badbaadinta doorashada dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts