HomeWararCiidamo galbinayay gaadiid u rarnaa Ganacsato oo weerar lagu qaaday

Ciidamo galbinayay gaadiid u rarnaa Ganacsato oo weerar lagu qaaday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana kasoo baxaya faah faahino. Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Federaalka oo galbinayay gaadiid ay u rarnaa Ganacsatada degmada Xudur, xili ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Federaalka oo galbinayay gaadiid ay u rarnaa Ganacsatada degmada Xudur, xili ay ku socdaalayeen inta u dhexeeysa Quracjoome iyo Xudur.

- Advertisement -

Dagaalkaas oo socday muddo ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn khasaaraha, maadaama halka lagu dagaalamay ay aheyd waddo howd ah oo socodka ku yar yahay.

Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sugan halka uu dagaalku ka dhacay, isla markaana ay wadaan dadaalo gaadiidka u raran Ganacsatada degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku marsiinayaan wadada, xili dhawaan Bakool lagu gubay gaadiid waday Shixnado Ganacsi.

Al-shabaab ayaa dhowr mar sidaan oo kale weerar ugu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda oo galbinayay gaadiid u rarnaa Ganacsato, kadib markii ay wadada u galeen Ciidanka, iyadoona Shabaab horey u gubeen gaadiid waday Dhuxul iyo Shixnado kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts