HomeWararMadaxweyne Deni oo warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka

Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka. Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Mudane Abdinaasir Yusuf Xaaji, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay wasaaradda. Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay hoolka wasaaradda oo uu ka socday shir ku saabasanaa dib u eegista xogta caafimaadka halkaasi oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Mudane Abdinaasir Yusuf Xaaji, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay wasaaradda.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay hoolka wasaaradda oo uu ka socday shir ku saabasanaa dib u eegista xogta caafimaadka halkaasi oo uu ka dhagaystay madaxa xogta caafimaadka wasaaradda Abdirisaaq Cartan iyo masuuliyiinta wasaaradda sanadka dhamaanaya xogta caafimaadka xanuunada kordhay kuwa hoos udhacay iyo bukaanada soo booqday xarumaha caafimaadka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray qaybta wicidda deg-degga ah ee ka jawaabidda cabashada caabuqa Covid-19, qaybta kaydka daawooyinka, waxaana uu masuuliyiinta wasaaradda uu ku bogaadiyay shaqada socota waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan adeegyada caafimaadkana dadka la wada gaarsiiyo.

Kormeerka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee wasaaradda ayaa qayb ka ahaa  kormeer uu maanta ku marayay qaar kamid ah  Xarumaha Dowladda kaas oo kula soconayay  shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan bulshada Wasaaradaha iyo hay’addaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts