Bannaanbax Xooggan ayaa hadda waxaa uu ka socdaa Degmada Boondheere gaar ahaan Taalada Daljirka, Waxaana istaagay isku Socodka Guud ee aagga Daljirka.
Bannaanbaxa ayaa waxaa dhigaya Culumaa’udiin, Carruur, dhalinyaro iyo Haween, waxaana ay ka caraysan yihiin Hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Dalka Faransiis.
Dadka Bannaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaqaya Erayo ka dhan Madaweyne Macron, waxaana ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin hadallo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin Aflagaada Madaxweynaha dalka faransiiska, iyagoo sheegay in aysan u dul qaaadan doonin Gafka lagula kacay Rasuulkeenna Maxamed NNKH.
Dalal farabadan oo ka tirsan dunida Muslimka ayaa siweyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Emmanuel ee taageeray ugu muujiyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Rasuulka SCW, waxaana dalalka Muslimka ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynahaas.