HomeWararDowladda Soomaaliya oo dib u eegis ku sameysay Heshiis Maalgelin

Dowladda Soomaaliya oo dib u eegis ku sameysay Heshiis Maalgelin

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ku-simaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa Heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka. Kusimaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa Heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka.

Kusimaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda.

- Advertisement -

Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey.

Heshiiska waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay si hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkadda Albayrak uu u saxiixay Mudane Ahmet Sami Isler  iyo Fehat Akkaya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts