HomeWararDad lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa...

Dad lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa  

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo burcad ahaa oo xalay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in falkaas uu ka dhacay xaafadda xoosh ee Dharkeenley, wxaana ragga burcada ahaa ay dileen saddex qof oo shacab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo burcad ahaa oo xalay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in falkaas uu ka dhacay xaafadda xoosh ee Dharkeenley, wxaana ragga burcada ahaa ay dileen saddex qof oo shacab ahaa, xili ay ku sugnaayeen xoosh.

- Advertisement -

Dilka loo geystay dadkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, kadib markii ragga hubeysan ay saddexda qof weydiisteen teleefoon gacanta ay ku wateen, hayeeshee ay isku dayeen inay diidan, balse markii dambe la toogtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, iyagoona sameeyay howlgal lagu raadinayo raggii burcada ahaa, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsaday.

Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhowr jeer falal dhac ah ka geystay rag hubeysan, isla markaana dad shacab ah ka qaatay teleefoono gacanta ah oo ay wateen, sidoo kalena dilay dad ka biyo diiday dalabkooda dhaca ahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts