HomeWararDowladda oo ka hadashay diyaaradii ku dhacday Garoonka Aadan Cadde

Dowladda oo ka hadashay diyaaradii ku dhacday Garoonka Aadan Cadde

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay diyaarad nooca xamuulka qaado ah oo saakay ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili ay dooneysay ay ku degto Garoonka. Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Maxamed C/llaahi Salaad Oomar oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay diyaarad nooca xamuulka qaado ah oo saakay ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili ay dooneysay ay ku degto Garoonka.

Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Maxamed C/llaahi Salaad Oomar oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday Garoonka Aadan Cadde, ayna la socdeen 4 ruux oo shaqaale ah.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in shaqaalihii saarnaa diyaaradda lasoo badbaadiyay, kadib markii gurmad si deg deg ah loogu sameeyay, waxaana la sheegayaan in dhaawacyo fudud ay soo gaareen.

Diyaaradda ayaa markii hore Magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira

Diyaaradaas oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay Afaafka hore ee derbiga ku wareegsan Garoonka Aadan Cadde, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday, iyadoo ay waxyeelo kasoo gaartay qeybta laga wado diyaaradda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts