HomeWararAskari dad shacab ah ku dilay Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay

Askari dad shacab ah ku dilay Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidanka amniga Magaalada Gaalkacyo  ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland oo dhawaan halkaas ku dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. Taliyaha qeybta Mudug Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in laamaha amniga ay  sameeyeen howlgal kala duwan oo lagu raadinayay Askarigaas oo si bareer […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka amniga Magaalada Gaalkacyo  ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland oo dhawaan halkaas ku dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Taliyaha qeybta Mudug Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in laamaha amniga ay  sameeyeen howlgal kala duwan oo lagu raadinayay Askarigaas oo si bareer u dilay Nin Ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Daahir Aadan iyo laba qof kale.

- Advertisement -

Taliye Muumin Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Askariga gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay degaanka Shakaal ee hoostega degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, isla markaana la xiray.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in labada qof kale ee shacabka ahaa ay ku dhinteen Israsaaseyn dhexmartay Askariga dilka geystay iyo Ciidamo ka tirsan Puntland oo xiligaas doonayay inay gacanta ku dhigaan Askarigaas, hayeeshee rasaasta ay haleeshay laba ruux oo goobta ka Agdhawaa.

Ugu dambeyn Taliye Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in Askarigaas cadaalada la horgeeyn doono, wuxuuna Askarta Booliska ee ku sugan gudaha Magaalada Gaalkacyo uga digay in dadka shacabka ah ay dhibaato u geystaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts