HomeWararMareykanka oo Tababaraya Ciidan Soomaali ah iyo u jeeddo gaar ah

Mareykanka oo Tababaraya Ciidan Soomaali ah iyo u jeeddo gaar ah

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in ay waddo qorshe ay ka damacsan tahay Soomaaliya, kaasi oo sida la sheegay saameyn ku yeelan kara dalka. Maraykanka oo saameyn ballaaran ku leh arrimaha Siyaaasadda Soomaaliya ayaa waxaa ay diyaarinayaan sida la sheegay qorshe uu ku doonayo in uu Tababar siiyo Ciidamo Soomaali ah oo sida la sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in ay waddo qorshe ay ka damacsan tahay Soomaaliya, kaasi oo sida la sheegay saameyn ku yeelan kara dalka.

Maraykanka oo saameyn ballaaran ku leh arrimaha Siyaaasadda Soomaaliya ayaa waxaa ay diyaarinayaan sida la sheegay qorshe uu ku doonayo in uu Tababar siiyo Ciidamo Soomaali ah oo sida la sheegay ka qayb noqon doono Ciidanka xoogga dalka.

- Advertisement -

Sababta uu Mareykanku uu u tababaro Ciidanka Soomaalida ah ayaa lagu sheegay in uu doonayo Mareykanku in meesha ay ka baxdo Saameynta Dowladda Turkiga ku lee dahay Soomaaliya.

Wargeyska Africaintelligence.com oo ah wargeys inta badan wax ka qora arrimaha Sirdoonka ayaa shaaca ka qaaday dhammaan sababaha Mareykanku uu tababarka u siinayo Ciidanka Soomaaliya gaar ahaa Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab, waxaana wargeyska lagu sheegay in ay jiraan ilo hoose oo uu soo xigtay.

Africaintelligence.com ayaa sidoo kale qoray in Ciidan iyo hubkooda mareykanku uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya, iyadoo Ciidanka si gaar ah loo tababaray ayna u dhammeystiran yihiin hubkooda iyo sidoo kale tababarkoodo, waxaana Wargeysku intaa ku daray ay jiraan dufcado si gaar ah u tababaran oo Mareykanku u tababaray dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in hadda uu wado qorshe xooggan oo Mareykanku uu ku doonayo in uu tababar dhinac walba ah uu u fidiyo Ciidan Soomaaliyeed, kuwaas oo qaayb ka noqon doona Ciidanka Xoogga dalka, waxaana Mareykanku uu doonayaa in uu hoos u dhigo Saameynta Turkigu ku leeyahay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxaana uu Soomaaliya ka caawiyaa la dagaalanka Al-shabaab, waxaaana meesha ka maqnayn Saameynta iyo wadashaqaynta Soomaliya Turkiga oo uu ka dhexeeyo xiriir aad ballaaran.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts