HomeWararKhasaaro ka dhashay dagaalkii Mudug iyo Mahad Cawad oo ka hadlay

Khasaaro ka dhashay dagaalkii Mudug iyo Mahad Cawad oo ka hadlay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saakay Ciidanka Galmudug, Dad shacab ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Mudug. Mahad Cawad oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in dagaal Culus uu ka dhacay deegaanka Shabeelow ee hoostaga Degmada Bacaadweyne, isla […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saakay Ciidanka Galmudug, Dad shacab ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Mudug.

Mahad Cawad oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in dagaal Culus uu ka dhacay deegaanka Shabeelow ee hoostaga Degmada Bacaadweyne, isla markaana dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Guddoomiye Cawad ayaa sheegay in deegaanka Shabeelow ay Al-shabaab ku xasuuqeen dad shacab ah oo guryahooda joogay, isagoo caddeeyay in halkaas lagu dilay 9 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayuu Mahad Cawad ugu baaqay inay xasuuqaas ka bixiyaan Jawaab Deg deg ah, isla markaana shacabka ku dhaqan deegaanka Shabeelow laga difaaco Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka lagu xasuuqay deegaanka Shabeelow Gobolka Mudug. Xasuuqa ay Shabaab ka geysteen deegaankaas waxaa lagu laayay shacab ugu yaraan 9 qof ah laguna dhaawac 5 qof oo guryahooda jooga. DFS iyo maamulka Galmudug jawaab degdeg waa inay ka bixiyaan falkaas”ayuu yiri Mahad Cawad.

- Advertisement -

Si kastaba Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Shabeelow, waxaana weerar kadib dhacay dagaal xoogan, ayna markii dame halkaas gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21-aad oo Gurmad ahaa, xili Al-shabaabna ay qoreen inay halkaas la wareegeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts