HomeWararAl-shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

Al-shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo waaberigii hore ee saakay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkaas ayaa ka yimd, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka 21-aad iyo kuwa Maamulka Galmudug ay ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo waaberigii hore ee saakay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa ka yimd, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka 21-aad iyo kuwa Maamulka Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Shabeeloow oo hoostega deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalka inta uu socday la isku adeegsaday hubka nooyacdiisa kala duwan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in saakay ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug, ayna la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Shabeeloow iyo Saldhiga ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale qoraalka Al-shabaab aya waxaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka Galmudug, sidoo kalena qarax miino nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo badan, kaasi oo kasoo baxay deegaanka Bacaadweyn, kuna socday deegaanka Shabeeloow.

- Advertisement -

Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidank Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad  iyo kuwa Galmudug oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Shabeeloow, waxaana la sheegayaa inay Go’an tahay Isgaarsiinta deegaankaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts