HomeWararKhasaaro ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb

Khasaaro ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya Maanta ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Dagaalkaas oo muddo ku dhow saacad socday ayaa waxaa uu sigaar ah u dhexmaray Ciidanka Nabadsugida iyo kuwa Booliska dowladda ee Haramcad oo xiligii Doorashadii Galmudug la geeyay halkaas. Dagaalka ayaa ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya Maanta ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Dagaalkaas oo muddo ku dhow saacad socday ayaa waxaa uu sigaar ah u dhexmaray Ciidanka Nabadsugida iyo kuwa Booliska dowladda ee Haramcad oo xiligii Doorashadii Galmudug la geeyay halkaas.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa ka bilaawday muran ka taagnaa mmaalmihii lasoo dhaafay adeegsiga Bar Koontarool oo Ciidamada Booliska Haramcad ay maamulaan, halkaas oo dhowr jeer lagu celiyay xili ay doonayeen inay maraan saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa NISA.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen inta uu socday dagaalka rasaas xoogan oo labada dhinac Isdhaafsanayeen, wallow haatan uu dagaalka istaagay, kadib dadaalo la sameeyay.

IInta la ogyahay ku dhawaad 5 ruux oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah ayaa rasaasta ku dhaawacmay, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla halkaas.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada una dhexeeyay Ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida ee NISA.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts