HomeWararDowladda Somalia oo War kulul kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday Sacuudiga

Dowladda Somalia oo War kulul kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday Sacuudiga

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay weerar loo adeegsaday Gantaalo oo Xuutiyiinta iyo kooxo kale ay ku qaadeen goobo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Boqotooyada Sacuudiga difaaca […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay weerar loo adeegsaday Gantaalo oo Xuutiyiinta iyo kooxo kale ay ku qaadeen goobo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Boqotooyada Sacuudiga difaaca amnigooda gudaha iyo dagaalkooda ka dhanka ah waxa loogu yeero aragagaxisada nooc kasta oo ay yihiin.

- Advertisement -

Sidoo kale Dowladda ayaa markale ku celinaysay mowqifkeeda taageeraya dadaallada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada ka taaggan Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen si ay ku jirto dhowridda ammaanka iyo danaha wadamada deriska la ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaatka Xuutiyiinta iyo kuwa taageera oo beegsaday goobo dad rayid ah ay degan yihiin oo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay la dhaceen tiro gantaallada baalistik iyo diyaaradaha iskood isku-kaxeeya oo lagu rakibay qaraxyo maalinnimadii Talaadada, 23 June, waxaase ka hortagay oo burburiyay Ciidamada Isbaheysiga ee taageera Dowladda Sharciga ah ee Yemen kahor inta aysan gaarin goobihii bartilmaameedka u ahaa, taasi oo meesha ka saartay in dad rayid ah ay wax ku noqdaan.

- Advertisement -

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Boqotooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya difaaca amnigooda gudaha iyo dagaalkooda ka dhanka ah aragagaxisada nooc kasta oo ay yihiin, waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda taageeraya dadaallada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada ka taaggan Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen si ay ku jirto dhowridda ammaanka iyo danaha wadamada deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo weeraradaasi bahalnimada leh ee lagu beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee biri magaydada ah, iyadoo falkaasi loo tiriyo xadgudub cad oo loola bareeray dhammaan qawaaniinta iyo cahdiyada caalamiga ah, carqaladeynayana dadaallada caalamiga ah ee lagu baadi-goobayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, caqabad weynna ku ah nabadgelyada iyo amniga gobolka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts