Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.
Ciidankan tababarka loo soo xiray maanta ayaa ka kalayimi dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciidanka maanta tababarku u xirmay ayaa soo bandhigay xirfado xeeldheer oo ay barteen mudadii uu u socdey tababarku.
Waxaa uu Madaxweyne Deni kula dardaarmay ciidanka tababarku usoo xiray inay Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu ku amray ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo xuduudahoodaba, isla markaana waxaa uu u xusay inay iska difaaci doonaan cid kasta oo kusoo xad-gudubta.
Sidoo kale Deni ayaa Soomaaliland ugu baaqay inay si sharafleh dhulka Puntland uga baxdo, isagoo dhammaadkii sannadkii hore sheegay in ay wada hadal kala galayaan dhulkaas Somaliland.
Waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni.
Si kastaba Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer horey u dhexmaray dagaalo geystay Khasaarooyin kala duwan, waxaana xusid mudan in Ciidamo ka tirsanaa Maamuladooda ay labada dhinac ku kala biireen.