HomeWararC/raxmaan C/Shakuur oo farriin xasaasi ah u diray Madaxweyne Farmaajo

C/raxmaan C/Shakuur oo farriin xasaasi ah u diray Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa Maanta xirtay waddo ku dhow Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon, iyagoona ka cabanayay Mushaar la’aan heysatay muddo sanad iyo 9 bilood ah. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Cabashada Mushaar la’aanta ah ee kasoo yeertay Ciidamada,  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa Maanta xirtay waddo ku dhow Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon, iyagoona ka cabanayay Mushaar la’aan heysatay muddo sanad iyo 9 bilood ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Cabashada Mushaar la’aanta ah ee kasoo yeertay Ciidamada,  kuwaasi oo kasoo baxay fariisimihii ay ku lahaayeen Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur oo qoraal soo saaray in aysan suura-gal aheyn in Ciidanka Xoogga ee ku sugan furimaha dagaalka ay halkaas uga baxaan Mushaar la’aan soo wajahday.

Madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu C/raxmaan C/Shakuur ugu baaqay in Ciidanka gadoodsan ee cabashada muujiyay siiyaan xuquuqdooda ay baahan yihiin.

“Madaxda dowladda Federaalka ah, gaar ahaan Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ugu baaqayaa in ciidankan gadoodsan xuquuqdooda la siiyo. Suuragal maaha in ciidankeennu furamaha dagaalka cadawga kaga difaacaan, xaqoodiina waayaan. Waxa keli ah ee madaxda N&N sheegan jireen waa bixinta mushaarka ciidanka, tiina maanta ayey beenowday, mar haddii qaar ciidanka ka mid ah uu 18-bilood mushaar ka maqan yihiin” ayuu yiri Siyaasiga C C Shakuur.

- Advertisement -

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in ciidamada diiwaangashan ee dowladda si joogta ah u qaataan mushaarkooda, hayeeshee Cabashadan kasoo yeertay Ciidanka Xoogga ayaa Maanta aad loo hadal-hayaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts