HomeWararDeni “Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay ka baxdo dhulka Puntland”

Deni “Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay ka baxdo dhulka Puntland”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland. Ciidankan tababarka loo soo xiray maanta ayaa ka kalayimi dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciidanka maanta tababarku u xirmay ayaa soo bandhigay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.

Ciidankan tababarka loo soo xiray maanta ayaa ka kalayimi dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciidanka maanta tababarku u xirmay ayaa soo bandhigay xirfado xeeldheer oo ay barteen mudadii uu u socdey tababarku.

- Advertisement -

Waxaa uu Madaxweyne Deni kula dardaarmay ciidanka tababarku usoo xiray inay Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu ku amray ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo xuduudahoodaba, isla markaana waxaa uu u xusay inay iska difaaci doonaan cid kasta oo kusoo xad-gudubta.

Sidoo kale Deni ayaa Soomaaliland ugu baaqay inay si sharafleh dhulka Puntland uga baxdo, isagoo dhammaadkii sannadkii hore sheegay in ay wada hadal kala galayaan dhulkaas Somaliland.

- Advertisement -

Waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni.

Si kastaba Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer horey u dhexmaray dagaalo geystay Khasaarooyin kala duwan, waxaana xusid mudan in Ciidamo ka tirsanaa Maamuladooda ay labada dhinac ku kala biireen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts