HomeWararWafdi gaaray degaan uu ka dhacay dagaal Khasaaro geystay

Wafdi gaaray degaan uu ka dhacay dagaal Khasaaro geystay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeydiid oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka taaroge ee ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo oo Maanta uu ka dhacay dagaal xoogan oo geystay Khasaaro kala duwan. Dagaalkaas ayaa waxaa uu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeydiid oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka taaroge ee ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo oo Maanta uu ka dhacay dagaal xoogan oo geystay Khasaaro kala duwan.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo dagaalka isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dadka deegaanka  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo socday saacado dhowr ah ayna maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac isdhaafsanayeen, wallow uu dagaaka duhurnimadii Maanta istaagay.

Ujeedka uu Senator Cabdi qeydiid iyo wafdiga la socday u tageen deegaanka taaroge ee ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sidii loo kala dhex geli lahaa maleeshiyo beeleedka halkaas ku dagaalamaya.

Sidoo kale wafdiga ayaa la sheegay in saacadaha soo socda deegaanka taaroge ay ka bilaabi doonaan wada-hadalo lagu doonayo in lagu joojiyo Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka, iyadoona dhowr jeer oo horey la isku dayay in la xaliyo colaada.

- Advertisement -

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka 5 qof kalena dhaawac Culus uu soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo, waxaana dagaalka la xusay inuu salka ku haayo dhul-daaqsimeed iyo dilal la xiriira aano qabiil.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts