HomeWararMaleeshiyo ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo weeraray Degmo ku taalla Is-maamulka Soomaalida...

Maleeshiyo ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo weeraray Degmo ku taalla Is-maamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maleeshiyo ka tirsan Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay weerareen Degmo ku taalla Is-maamulka Soomaalida ee Ethiopia. Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in 2 qof oo Soomaali ah lagu dilay Weerarka xalay lagu qaaday Tuulladda Sanda-caare ee  dhowr Kiilomitir u jirta Degmadda Tuuli-guuleed oo ka tirsan Gobalka Faafan ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maleeshiyo ka tirsan Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay weerareen Degmo ku taalla Is-maamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in 2 qof oo Soomaali ah lagu dilay Weerarka xalay lagu qaaday Tuulladda Sanda-caare ee  dhowr Kiilomitir u jirta Degmadda Tuuli-guuleed oo ka tirsan Gobalka Faafan ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida.

- Advertisement -

 

Dadka Deegaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 2 qof oo Soomaali ah lagu dilay weerarkaasi bahalnimada ahaa, waxaana Labada Marxuum ee la dilay lagu kala magacaabi jirey Aadan Osman Baaruud iyo Xaawo Yuusuf.

Weerarka ay Maleeshiyada Qowmiyadda Oromada xalay ka geysteen Tuulladda hoos tagta Degmadda Tuuli-guuleed waxay timid hal maalin kadib, markii shil noocan oo ah ay Burcad Oromo ah ku dileen Nin dhallinyaro Soomaali ah meel ku dhow Degmadda Jinicasani oo 20 KM u jirta Xuduud-deegaameedka Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ku wada nool Ethiopia.

- Advertisement -

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts