Dowladda Kenya ayaa xayiraad guud Maanta oo Arbaco ah kusoo rogtay xaaladda Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi sababo la xiriira faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa waxaa lagu shaaciyay in xayiraad lagu soo rogay xaaladda Islii ee Nairobi, kadib markii shalay halkaas laga helay 29 qof oo qaba Cudurka COVID-19.
Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in xaiyaard lagu soo rogmay qayb ka mid ah Magaalada Mombasa, iyadoo la tilmaamay in laga cabsi qabo inuu faafo Cudurka oo horey kiisas looga helay halkaas.
Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus ee dalka Kenya haatan mareysa 535 qof, iyadoo dhowr qof kalena ay dalkaas ugu geeriyoodeen Cudurka, halka kuwo kalena ay ka bogsadeen.