HomeWararDiyaarad qaadi laheyd Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo lagu xanibay Muqdisho

Diyaarad qaadi laheyd Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo lagu xanibay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho muddo ku dhow hal saac lagu xayiran diyaarad ay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Galmudug u raaci lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb. Diyaaradda oo aheyd nooca yar ee aada Gobolada dalka ayaa waxaa kireystay Guddoomiyaha Baarlamaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho muddo ku dhow hal saac lagu xayiran diyaarad ay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Galmudug u raaci lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb.

Diyaaradda oo aheyd nooca yar ee aada Gobolada dalka ayaa waxaa kireystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Gacal Nuur iyo Wasiiro ka tirsan maamulkaas oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiiro kale.

- Advertisement -

Sidoo kale Diyaaraddaas oo Magaalada Dhuusamareeb u qaadi aheyd Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa waxaa la sheegay in marka horey ay ogolaasho bixid ah ka heysatay Hay’adda Duulista Hawada dowladda, hayeeshee is hor-istaag lagu sameeyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Taliyaha Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu diiday in diyaaradaas ay ka duusho Garoonka,  balse wada-hadal dheer kadib loo ogolaaday in diyaraada ay u baxdo Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlasho u joogay Magaalada Muqdisho, iyagoo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts