HomeWararDuqa Muqdisho oo kulan la qaatay qoysaska Dadkii lagu dilay Isgoyska Jubba

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qoysaska Dadkii lagu dilay Isgoyska Jubba

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii xalay laga laba ruux oo shacab ah oo uu toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska. Duqa Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu kafaala qaaday nolashooda, isla markaana dhawaan sharciga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii xalay laga laba ruux oo shacab ah oo uu toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska.

Duqa Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu kafaala qaaday nolashooda, isla markaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geestay.

- Advertisement -

Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe, kuwaasi oo la dilay xili ay ku diyaarinayeen fulinta amarka Bandowga ah ee lagu soo rogay Caasimadda.

Taliska Booliska dowladda ayaa shaaciyay in xabsiga la dhigay Askarigii ka dambeeyay falkaas, isla markaana sharciga la horgeyn doono si loo marsiiyo cadaalada, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Saldhiga Boolisla degmada Boondheere.

Dilka loo geystay labada Marxuum ayaa waxaa ka dhashay Banaanbaxyo xoogan oo xalay iyo saakay ay ka dhaceen Muqdisho gaar ahaan Degmada Boondheere, waxaana dadka dhigaayay Banaanbaxa ay ahaayeen kuwo aad u careysan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts