HomeWararMaxaa ka jira in Puntland xayiraad kusoo rogtay Dekadda Boosaaso?

Maxaa ka jira in Puntland xayiraad kusoo rogtay Dekadda Boosaaso?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay warar saacadihii lasoo dhaafay sheegayay inay xiyaarad ay kusoo rogtay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Bari ayna Canshuur dheeraad ah saartay badeecadaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Dekadda. Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Dabaraani oo War soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan wax xayiraad ah aan lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay warar saacadihii lasoo dhaafay sheegayay inay xiyaarad ay kusoo rogtay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Bari ayna Canshuur dheeraad ah saartay badeecadaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Dekadda.

Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Dabaraani oo War soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan wax xayiraad ah aan lagu soo rogin Dekadda Boosaaso, sidoo kalena aan Canshuur dheeraad la saarin badeecadaha kasoo dega halkaas.

- Advertisement -

Qoraalka Afhayeen Dabaraani ayaa waxaa lagu xusay in Puntland ay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Dekadda Boosaaso, iyadoon loo iib geynayo Boosaaso iyo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland.

Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed iyada oo illaalinaysa xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyinka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , isla markaana cunnadii lagu quudan jiray gudaha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafimaad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto.

- Advertisement -

Puntland marna ma xayirin, mana xayiri doonto badeecada dadka Soomaaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaaso. Tusaale ahaan Puntland ma xayirin wax canshuur dheeri ahna kuma soo rogin badeecada u socota gobolka kale.

Taa baddalkeeda xaaladda Caafimaad ee jirta awgeed Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne.

Dadka iyo Maamulka Puntland marna kama suuroowdo in ay duruufaha adag ee dalka ka jira u isticmaasho aalad cadaadis kuna dhibaatayso ummadda Soomaaliyeed ee la daalaa -dhacaya cudurrada, colaadda, abaaraha iyo fatahaadaha.

Sidii dhaqanka u ahayd dadka iyo Maamulka Puntland waxay mar walba u taagan yihiin sidii ummadda Soomaaliyeed looga difaaci lahaa aafooyinka, guud ahaanna dib loogu yagleeli lahaa dawladnimada Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts