HomeWararRW Kheyre iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay Xakameynta COVID-19

RW Kheyre iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay Xakameynta COVID-19

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

- Advertisement -

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyadda oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha saaxiibka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay ku xasuusan doonaan hadba sida ay gacanta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag.

Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda iyo howsha iskudubba ridka ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay badbaadagda iyo bed-qabka bulshada ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geysay sidii ummadda Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa cusurkaan laayaanka ah ee dunida oo dhan dhibaatada ku haya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts