HomeWararXildhibaan Laamaha Amniga ku wareejiyay Askari Maanta Dil geystay

Xildhibaan Laamaha Amniga ku wareejiyay Askari Maanta Dil geystay

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Senoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Dil Maanta Askari ka tirsan Ilaaladiisa uu Dhuusamareeb ugu geystay Wiil dhalinyaro oo Caan ka ah halkaas. Senoter Dhageey ayaa marka hore tacsi u diray Qoyska, Ehelada iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum shaafici Xaaji Diiriye oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Senoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Dil Maanta Askari ka tirsan Ilaaladiisa uu Dhuusamareeb ugu geystay Wiil dhalinyaro oo Caan ka ah halkaas.

Senoter Dhageey ayaa marka hore tacsi u diray Qoyska, Ehelada iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum shaafici Xaaji Diiriye oo si bareer ah uu u toogtay Askari kamid ah ilaaladiisa.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Senoter Yuusuf Geelle Ugaas in laamaha amniga dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb uu ku wareejiyay Askarigii dilay Marxuum shaafici Xaaji, si cadaalada loo marsiiyo.

“Alle ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay  falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senotar Dhageey.

Si kastaba dilka loo geystay Shaafici Xaaji Diiriye ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, iyagoona dalbaday in Askarigii ka dambeeyay falkaas sharciga la horgeeyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts