HomeWararKhasaaro ka dhashay Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda

Khasaaro ka dhashay Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka dowladda oo la socday gaari nooca dagaalka lagula eegtay inta udhaxaysa deegaanada Buufoow iyo Janaale, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka dowladda oo la socday gaari nooca dagaalka lagula eegtay inta udhaxaysa deegaanada Buufoow iyo Janaale, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Ugu yaraan 7 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyootay Qaraxaas, halka tiro kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo dhamaantood la sheegay inay saarnaayeen gaariga uu qaraxu haleelay.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas lala eegtay Ciidanka dowladda Federaalka oo socdaal ku marayay inta u dhexeeysa Buufoow iyo Janaale.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxaas ay ku dileen 7 Askari  uuna gabi ahaan gubtay gaariga ay la socdeen Ciidanka ee uu qaraxu qabsaday waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Weli ma jiro war wax ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan weerarkaas ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka helayo duleedka Jalaane ay sheegayaan in Ciidamada halkaas ay ka wadaan howlgl miino baaris ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts