Waxaa sii xoogeysanaya Khilaaf soo kala dhexgalay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka  Puntland iyo Golaha Wasiirada maamulkaas, kaasi oo ku aadan Cidda noqoneysa ku-simaha Madaxweynaha Puntland markii labada Mas’uul ee ugu sareysa maamulkaas dalka ka maqan yihiin.
Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Puntland ay kulan deg deg ah ku yeeshaan Magaalada Garoowe, waxaana inta uu socdo kulanka looga doodi doonaa Mudanka la xiriirka Cidda noqoneysa ku-simaha Madaxweynaha Puntland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanada Puntland ay ku doodayan in markii dalka ay kawad maqan yihiin Madaxweyne Saciid iyo Axmed Karaash ay xilka ku-simaha awood u leeyihiin Guddoonka Baarlamaanka, halka Golaha Wasiirada ay sheegayaan  inuu awood u leeyahay Wasiirka Cadaalada maamulkaas.
Khilaafka soo kala dhexgalay labada Golle ee Maamulka Puntland ayaa waxaa la tilmaamay inuu sii xoogeystay, kadib markii shalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Puntland uu Madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu ku-simo ka dhigtay Wasiirka Cadaalada.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Ismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas ayaa haatan ku maqan dalka dibadiisa, waxaana Maanta la filayaa in Madaxweyne deni uu dib ugu soo laabto Puntland, isagoo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ugu baqnaa dalka Jabuuti.