Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintey 37 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu dhulgariir ka dhacay gobolka Van ee daklka Turkiga Axada maanta ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.
Sagaal ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ku jira xaalad halis ah, sida la sheegay , Wasiirka Arimaha Gudaha ee dalkaas Suleyman Soylu wuxuu sheegay in seddex kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen carruur, isagoo intaa ku daray in guryo gaaraya 1,066 ay burbureen.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee dalkaas ayaa durba bilowday howlo lagusoo badbaadinayo dadka , ayuu yiri Soylu.
“Dadaallada baadi doonka iyo badbaadinta dadka ayaa socda,” sidaas waxaa yiri wasiir Soylu.
Dhulgariirkan oo cabirkiisa uu ahaa 5.7 qiyaasta dhulgariirada ayaa ku dhuftay xudduuda Turkiga iyo Iran.
Warbaahinta Dowladda ee loo yaqaan ‘TRT ayaa sheegtay ina dhulgariirka uu saameyey illaa 43 tuulo oo ku yaal dalka Turkiga, kuwaasoo ay horey uga dhaceen dhulgariiro xoog leh.