HomeCaalamkaRa’iisul Wasaarihii Maleesiya oo is Casilay iyo sababta keentay

Ra’iisul Wasaarihii Maleesiya oo is Casilay iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Ra’iisel wasaaraha dalka Maleesiya Mahathir Mohamad ayaa ku dhawaaqay is casilaadiisa Isniinta maanta ah taas oo wadada u xaareysa suurta-galnimada ah in la soo dhiso xukuumad cusub.

Mr Mahathir ayaa ku sheegay bayaan laba-line ah in uu ku wargaliyay iscasilaadiisa boqorka wadankaas 1-da fiidnimo ee Kuala Lumpur waqtiga (0500 GMT).

- Advertisement -

“Warqadda iscasilaada ayaa loo diray boqorka saacadu markay ahayd 1dii habeenimo” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska ra’iisalwasaaraha.

Sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in xisbiga Mahathir, ee Pribumi Bersatu, uu ka tanaasulay isbahaysiga xukuumadda talada haysa, Pakatan Harapan.

Go’aanka Mahathir wuxuu daba socdaa isbuucyo  rabshado siyaasadeed ah oo kadhacayey wadankaas kadib markii la sheegay habeenimadii Axadda inuu xisbigiisu qorsheynayo inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaraysa qofkii badeli lahaa mahatir oo ah Anwar Ibrahim.

- Advertisement -

Anwar iyo Mahathir waxay midoobeen ka hor doorashadii 2018 si ay u eryaan isbahaysiga ay maamuleysa bariga Nasisanal ee ay xukumayeen Barisan Nasional lix iyo toban sano, taasina waxay keentay guul lama filaan ah oo horseeday in laga tuuro Raiisel wasaaraha markaas jiray ee Najib Razak.

Laakiin xiisadda u dhexeysa labadooda isbaheysiga Pakatan Harapan (Isbahaysiga Rajada) ayaa sii kordhayay, iyadoo Mahathir uu ka horyimid dejinta jadwal cayiman si uu u sii wado ballanqaadkiisii ahaa inuu awoodda ku wareejiyo Anwar.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories