Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF).
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Puntland (PMPF).
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.
1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax
1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise
1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf
- Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF
- Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF
- Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF
- Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.
- Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF
- Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF.
