HomeWararFaah faahin:-Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Faah faahin:-Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu dagaal xoogan ku dhexmaray Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalkan oo sigaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Qooqaani oo 150KM u jira Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay qarax miino la eegteen mid kamid ah gaadiid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu dagaal xoogan ku dhexmaray Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan oo sigaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Qooqaani oo 150KM u jira Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay qarax miino la eegteen mid kamid ah gaadiid ay la socdeen Ciidanka Jubbaland, kuwaasi oo kasoo ambabaxay Kismaayo.

- Advertisement -

Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Jubbaland ay sheegtay inay halkaas Al-shabaab uga dishay 8 dagaalame, halka dhankooda ay ka dhinteen laba Askari, halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray.

Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ay ku dhinteen laba Sarkaal oo ay sheegeen inay kamid ahaayeen kuwa gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Ciidamada Jubbaland ee dagaalka la galay Al-shabaab ayaa kusii jeeday Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo hordhac u ahaa Safar Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ku tagayo Dhoobley.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts