Wasiirla maaliyadda xukuumadda Fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bele iyo Wasiirka Gagaarka iyo maaraynta Musiibooyi Xamse Siciid Xamsa ayaa kulan gaar ah la qaatay wefdi ka socday hay’adda cunada Adduunka ee WFP kuwaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa looga hadlay arrimaha gargaarka ee Soomaaliya iyo sida hay’adda cunada Adduunka ee WFP ay usii kordhin laheyd cawinaadda ay ka waddo Soomaaliya.
Qoraal Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uusoo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in ay kulan khaas ah ay la qaateen u qeybsanaha Hey’adda Cunada Aduunka ee Soomaaliya (WFP) Mr Cesar Arroyo isla markaana uu ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka XFS Xamza Saciid Xamsa,iyaga oo ka wada hadalnay sidii loo dar-dar galin lahaa howlaha gargaarka ah ee WFP ay ka wado Soomaaliya.