HomeWararSawirro:-Qunsulka Somalia u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis Soomaali ah oo ku...

Sawirro:-Qunsulka Somalia u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran Jiddah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga,halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed,taasi oo qeyb ka ah fulinta balanqaadyo uu sameeyay ee ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi jooga ay helaan adeegii ay qunsuliyadda uga mas’uulka ahayd, mar uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga,halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed,taasi oo qeyb ka ah fulinta balanqaadyo uu sameeyay ee ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi jooga ay helaan adeegii ay qunsuliyadda uga mas’uulka ahayd, mar uu u waramay Wakaaladda(SONNA) goor sii horeysay.

Ujeedka booqashadiisa Amb Ilyaas Sheekh Cumar uu ku tagay xabsiyada ayaa la xiriirta sidii uu u raadin lahaa xuquuqda maxaabiista Soomaaliyeed ku jirta xabsiyada Dalkaasi Sucuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay madaxa Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Shimeys, Cabdlalla Xaaji, Agaasimaha Xarunta, Janaral Usaama Bin Millaax, Agaasimaha Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee xarunta Shimeys,  Al-Sayed Qaliil Bin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys,wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeyn  arrimohooda, ayna deg deg cadaalada u helaan.

Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa la xiriirtay Amb; Ilyaas Sheekh Cumar si ay xog badan uga ogaato marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiistaasi iyo wixii uu la kulmay.

“Waxaan booqanay xabsiyada si aan u dabagalno xaaladda maxaabiista Soomalaiyeed oo aan cadaaladda deg-deg ah u raadinayno, mas’uuliyiintii aan la kulannay waxaan kala hadlay dhowr arrimood, sida in hadii muwaadin Soomalaiyeed la xiro uu deg-deg cadaalad u helo runtii waan isla qaadanay.

- Advertisement -

Amb; Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta Xarunta Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jidda, iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta wada shaqaynta Labada dhinac,isagoo halkaasi ku guddoonsiiyay abaalmarino la xiriira wadashaqeynta wanaagsna oo ay muujiyeen sida shahaado sharaf, wuxuuna Qunsulka si gaar ah ugu mahad celiyay Boqorka Dalka Sacuudiga iyo dhaxalsugahiisa cafiskii gaarka ahaa ee ay u fidiyeen muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee iska bixin waayay Lacagtii dib u labashada ee halkaa ku xannibnaa.

Mas’uuliyiinta Dalka Sacuudiga ee uu la kulmay Qunsulka Soomaaliya ayaa waxay ballan qaadeen in muwaaddiniinta la keeno Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jiddah ay Maalmo gudahood ugu fududeyn doonaan howlahooda.

Tani ayaa qeyb ka ah guulaha dhinaca diplomasiyadda oo ay soo hoysay dowladda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay,waxaana dalka Sucuudiga uu yahayy dal muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts