Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Kulanka u dhexeeyay Axmed Madoobe iyo James Swan ayaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee Jubbaland weli ay tahay mid aan deganeyn, hayeeshee Jubbaland iyo shacabkeeda ay leeyhihiin door ay ka qaataan ku guuleysiga hadafyada 2020.
“Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay weli mid aan deganeyn, haddana Jubbaland iyo shacabkeeda waxa ay leeyhihiin door ay ka qaataan ku guuleysiga hadafyada 2020, ma rajeyneyno in aragtiyadooda la iska indha-tiro,†ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Kulanka u dhexeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo James Swan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD oo Maanta tegay Kismaayo.