HomeWararMaamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay dilkii Guddoomiye Carrabey

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay dilkii Guddoomiye Carrabey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerarkii lagu dilay Allaha u naxaristee Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi “Cumar Carrabey”. Kooxo hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Guddoomiye ku-xigeenka xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Degmada Afgooye, iyadoona dhaawac ahaa loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerarkii lagu dilay Allaha u naxaristee Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi “Cumar Carrabey”.

Kooxo hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Guddoomiye ku-xigeenka xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Degmada Afgooye, iyadoona dhaawac ahaa loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Isbitaalka Digfeer ayuu ugu dambeyn Guddoomiye Cumar Carrabey ugu geeriyooday dhaawac Culus oo ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday, waxaana sidaas xaqiijiyay Maamulka Shabeellaha Hoose.

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in uu dhintay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada, isagoona tilmaamay inuu ahaa ruux aad u firfircoon, isla markaana kala qeyb qaatay howlgalo badan oo laga fuliyay Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiye Ibaarim Aadan Najax ku eedeeyay weerarkaas inay ka dambeeyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Degmada Afgooye ayaa Caawa howlgalo kala duwan ka wada gudaha degmdaas, kaasi oo ay ku raadinayan ragii ka dambeeyay dilka Guddoomiye Carabey.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Shabeellaha Hoose, hayeeshee falalka noocan oo kale ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts