Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay isbitaalka Xoogga waxa uu ku booqday askar ku so dhaawacnatay dagaallo kala duwan oo dhex maray Alshabaab iyo ciidmaada Milatariga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dhamaan bukaanada jiifa Ibitaalka Xoogga waxaana sido kale uu ka xog wareystay dhaqaatiirta xaaladda Askarta iyo waxa iska bedalay caafimaadkooda tan iyo markii la keenay.
Ugu dambayntii waxa uu eebe uga baryay in uu caafiyo Askarta isaga oo ku dhiira geliyay in ay dib ugu laaban doonaan furimaha dagaalka isla markaana ay sii wedi doonaan dagaalka lagula jiro Shabaab.