Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah oo ka billaabaneysa 14-ka September kuna eg 21-ka bishan hakisay qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga ah.
War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in muddo la hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka.
Hey’adda ayaa sababta loo hakiyay
qabashada codsiyada Baasaboorka ku sheegtay inay tahay arrimo Farsamo Awgood.
“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka”Ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya.