Wararka aan ka heleyno Dekadda Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa Dab xoogan uu qabsaday Mid ka mid ah Wiishashka dekeda Berbera oo dhawaan xariga laga jaray.
Dabka ayaa waxaa uu sigaar ah u qabsaday Mid ka mid ah Wiishashka Dekeda Berbera oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi uu xariga ka jaray,waxaana dabkaas ka dhashay Khasaaro hantiyadeed oo badan.
Maarreeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dabka markii uu ka bilowday meel ku dhow Wiishka,isla markaana uu si faafay qeybo kale markii dambena uu qabsaday Mid ka mid ah Wiishashka dekeda.
Goobta uu dabka ka kacay ayaa gaaray waxaa si deg deg ah u gaaray Gaadiidka dab demis-ka,kuwaasi oo ku guuleystay inay demiyaan dabka oo socday saacado dhowr ah.
“Runtii dabkaasi wuxuu ka bilaabmay meel uu wiishku yaalay ama uu ku Baarking garaysnaa, Wiishkani shaqada kumuu jirin,balse waxa socoto baaris la xiriirta dabka qabsaday wiishkaâ€ayuu yiri Maarreeyaha Dekedda Berbera.
Waxaa kaloo uu sheegay Siciid Xasan Cabdilaahi in Wiishka uu soo gaaray Khasaaro badan oo hantiyadeed,isla markaana haatan ay socoto baaritaano ku aadan waxa sababay dabkaas.
Ugu dambeyntii Maarreeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa tilmaamay in wax khasaaro nafeed ah uusan ka dhalan dabka,hayeeshee uu jiro mid hantiyadeed.