Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF ee jooga Somalia ayaa la sheegay in aysan wax mushaar ah qaadanin muddo 7 bilood ah.
Wadarta Guud ee Lacagta ka maqan Ciiddankaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay dhan tahay  52 Billion ee Shillinka Uganda.
Sababaha ay u la’ yihiin Mushaarkooda weli kama aysan hadlin Wasaaradda Difaaca Uganda, balse, Maamulka Wargeyska New Vision waxay ballan qaadeen inay bidhaamin doonaan gundhiga sababay mushaar la’aanta ciiddankaasi.
Xigasho: Wargeyska New Vision