HomeWararTaliyaha Cusub ee AFRICOM oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Taliyaha Cusub ee AFRICOM oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Taliyaha Cusub ee Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend oo shalay la wareegay Xilka ayaa sheegay inuu booqasho ku imaan doono Somalia, si uu ugu kuur-galo hannaanka Hawlgalka AFRICOM ka wadaan Somalia ee ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia. Jeneral Stephen Townsend oo shalay ka hadlay Munaasabad lagu qabtay Xarunta dhexe ee Hawlgalka AFRICOM ku leeyihiin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Cusub ee Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend oo shalay la wareegay Xilka ayaa sheegay inuu booqasho ku imaan doono Somalia, si uu ugu kuur-galo hannaanka Hawlgalka AFRICOM ka wadaan Somalia ee ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia.

Jeneral Stephen Townsend oo shalay ka hadlay Munaasabad lagu qabtay Xarunta dhexe ee Hawlgalka AFRICOM ku leeyihiin magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu ku qanacsan yahay Hawlgalladda ay Milliteriga Maraykanka ka wadaan Somalia, isagoo ammaanay hawlihi iay qabteen Taliyayaashii isaga uga horreeyey Hoggaaminta AFRICOM.

- Advertisement -

Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay inuu Socdaalkiisii ugu horreysay isbuuca soo socda ku tegi doono dalalka Bariga Afrika, halkaasi oo ay Maraykanka ka soo wajahayaan Xaallad Adag oo Ammaanka oo ay Somalia ka mid tahay.

Isagoo la hadlayey Wargeyska Stars and Stripes waxa uu xusay inuu si taxadar leh u qiimeyn doono wax kasta oo uu Taliska AFRICOM sameeyey, isla markaana uu dejinayo qorshaha Hawlgalka Somalia.

Mar wax laga weydiiyey haddii uu qorsheynayo isbedel uu ku sameeyo Hawlgalladda Milliteri ee ka socda gudaha Somalia, waxa uu sheegay inuu qiimeyn doono wax kasta oo ay AFRICOM samayso.

- Advertisement -

“Waxaan ku faraxsanahay waxa uu Taliska AFRICOM ka samynayaan Somalia, balse, Ka Taliye Cusub ahaan waxa aan u socdaa inaan sameeyo waxa ay dhamaan Taliyayaasha sameeyeen” ayuu yiri Jeneral Stephen Townsend.

Waxa uu intaasi ku daray inuu  doonayo inuu Dib-u-eegistiisa iyo Aragtidiisa  ku socodsiiyo Hawlgalka AFRICOM ka wadaan Somalia.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Milliteriga qaab taxadir leh u qaadi doonaan Duqyemaha Diyaaradaha ee ay ka wadaan Somalia, si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska AFRICOM waxay Somalia ka fuliyeen sannadkan 46 Duqeymo Diyaaradeed oo ay la beegsadeen Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts