HomeCaalamkaMarkab Shidaal oo laga lahaa Iiraan oo la sii daayey

Markab Shidaal oo laga lahaa Iiraan oo la sii daayey

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dowladda Sacuudiga waxay sii daayeen Markab Booyadle Shidaal oo ay Iiraan lahayd, kaasi oo ay cillad farsamo ku qabsatay meel ka baxsan Xeebaha Sacuudiga. Markabkaasi oo lagu magacaabo Happiness 1- Fars waxa uu tan iyo bishii May ee la soo dhaafay uu ku sugnaa Dekedda magaalladda Jeddah ee Sacuudiga. Dowladda Iiraan waxay ka mahad celisay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Sacuudiga waxay sii daayeen Markab Booyadle Shidaal oo ay Iiraan lahayd, kaasi oo ay cillad farsamo ku qabsatay meel ka baxsan Xeebaha Sacuudiga.

Markabkaasi oo lagu magacaabo Happiness 1- Fars waxa uu tan iyo bishii May ee la soo dhaafay uu ku sugnaa Dekedda magaalladda Jeddah ee Sacuudiga.

- Advertisement -

Dowladda Iiraan waxay ka mahad celisay Tallaabadda ay Sacuudiga ku soo daayeen Markankaasi, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan, Cabaas Mosafi.

   

 

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Iiraan ee Fars News Agency waxay ka soo xigatay Afhayeenka inay Dowladda Sacuudiga uga mahad celinayaan dadaalka ay u gashay sidii uu Markabkaasi ugu soo labaan lahaa Iiraan.

Afhayeenka waxa kale oo uu u mahad celiyey dwoladaha Cummaan iyo Awitzerland oo iyagu gacan ka geystay sidii uu Markanka lagu magacaabo  Happiness 1 oil tanker si nabad ah ugu soo labaan lahaa Iiraan.

Warbaahinta Iiraan waxay bilowgii bishan tebiyeen inay Dowladda Sacuudiga oo ay Iiraan xifaaltamaan aysan oggolayn inuu Markabkaasi ka soo shiraacdo Dekedda magaalladda Jeddah, muran la xiriira bixinta Kharajkii lagu dayactiray Markabkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts