HomeCaalamkaWasiirka Maaliyadda Kenya iyo Saraakiil sarsare oo loo xiray fadeexad Musuq

Wasiirka Maaliyadda Kenya iyo Saraakiil sarsare oo loo xiray fadeexad Musuq

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Maaliyadda ee dalkaasi, Henry Rotich iyo Saraakiil kale oo muhiim ah ayaa la xiray, kadib, markii ay ku soo baxday Fadeexad la xiriirta inay lunsadeen  Malaayiin Dollar oo loo qoondeeyey in lagu dhiso Labo Mashruuc oo Biyo-xireeno ah oo lagu kala magacaabay Arror  iyo Kimwarer  Wasiirka Maaliyadda, Xoghayihiisa Joogtadda  iyo Madaxa Fulinta ee Hay’adda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda ee dalkaasi, Henry Rotich iyo Saraakiil kale oo muhiim ah ayaa la xiray, kadib, markii ay ku soo baxday Fadeexad la xiriirta inay lunsadeen  Malaayiin Dollar oo loo qoondeeyey in lagu dhiso Labo Mashruuc oo Biyo-xireeno ah oo lagu kala magacaabay Arror  iyo Kimwarer 

Wasiirka Maaliyadda, Xoghayihiisa Joogtadda  iyo Madaxa Fulinta ee Hay’adda Bii’da waxaa la sheegay inay isku dhiibeen Boliska, saacado kadib, markii uu Dacwad-oogaha Guud ee dalkaasi amar ku xiray in la soo xiro, lana soo dacweeyo Wasiirka Maaliyadda iyo 27 Sarkaal oo kale.

- Advertisement -

Taliyaha Boliska Kenya, George Kinoti waxa uu sheegay inay xiran yihiin Mas’uuliyiintaasi, isla markaana ay sugayaan in la soo maxkamadeeyo.

Taliyaha oo la hadlay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP waxa kale oo uu xusay inay ku raad-joogaan kuwa kale, waxaana la hor-geyn doonaan Maxkamadda.

Xarigga Wasiirka Maaliyadda ee dalka Kenya, Henry Rotich waxay calaamad u tahay in markii ugu horreysay Taariikhda Kenya oo Wasiir xil haya loo xiro Eedeymo la xiriira Musuq, iyadoo uu dalkaasi si ada ah ugu baahay wax is-dabamarinta Musuqa

- Advertisement -

Eedeymaha ka dhanka ah Wasiirka iyo Saraakiisha kale ayaa lagu sheegay inay timid, kadib, markii ay Boliska baaritaan ku sameeyeen si xun u isticmaalka Dhaqaalihii loo qoondeeyey 2 Mashruuc oo lagu dhisi lahaa Biyo-xireeno, iyadoo Qandaraaska la siiyey Shirkadda Dhismaha ee CMC Di Ravenna  oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Wasiirka Maaliyadda Kenya, waxa uu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey, xilli uu Wareysi laga badbadiyey uu siiyey Wargeys bishii Maarso ee sannadkan.

Shirkadda la siiyey Qandaraaska ee CMC Di Ravenna waxay iyagana beeniyeen inay wax qalad ah sameeyeen.

Agaasimaha guud ee Dacwad-oogayaasha  dalka Kenya, Nuradin Haji waxa uu sheegay inuu Wasiirka Maaliyadda iyo kuwa la eedeysan ay wajihi doonaan 8 Dacwad oo ay ku jiraan Khiyaano Mashruuc iyo ku-takri-falid Maaliyadeed.

Nuradin Haji oo Suxufiyiinta maanta kula hadlay Nairobi waxa uu tilmaamay in Qandaraaska mashruucaasi loogu talagalay inay ku baxdo lacag dhan 450 million oo Dollar, balse lacagta la kordhiyey, lana gaarsiiyey ilaa 164 million oo Dollar.

Waxa uu wax laga walaaco ku sheegeen in horey loo bixiyey lacag dhan 180 million oo Dollar, balse lagu qabtay shaqo yar ee Dhismaha labada Biyo-xireen.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts