HomeCaalamkaMarkab Shidaal oo laga lahaa Iiraan oo la sii daayey

Markab Shidaal oo laga lahaa Iiraan oo la sii daayey

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Dowladda Sacuudiga waxay sii daayeen Markab Booyadle Shidaal oo ay Iiraan lahayd, kaasi oo ay cillad farsamo ku qabsatay meel ka baxsan Xeebaha Sacuudiga.

Markabkaasi oo lagu magacaabo Happiness 1- Fars waxa uu tan iyo bishii May ee la soo dhaafay uu ku sugnaa Dekedda magaalladda Jeddah ee Sacuudiga.

- Advertisement -

Dowladda Iiraan waxay ka mahad celisay Tallaabadda ay Sacuudiga ku soo daayeen Markankaasi, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan, Cabaas Mosafi.

   

 

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Iiraan ee Fars News Agency waxay ka soo xigatay Afhayeenka inay Dowladda Sacuudiga uga mahad celinayaan dadaalka ay u gashay sidii uu Markabkaasi ugu soo labaan lahaa Iiraan.

Afhayeenka waxa kale oo uu u mahad celiyey dwoladaha Cummaan iyo Awitzerland oo iyagu gacan ka geystay sidii uu Markanka lagu magacaabo  Happiness 1 oil tanker si nabad ah ugu soo labaan lahaa Iiraan.

Warbaahinta Iiraan waxay bilowgii bishan tebiyeen inay Dowladda Sacuudiga oo ay Iiraan xifaaltamaan aysan oggolayn inuu Markabkaasi ka soo shiraacdo Dekedda magaalladda Jeddah, muran la xiriira bixinta Kharajkii lagu dayactiray Markabkaasi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories