HomeCaalamkaDiyaraad Dagaal oo si kedis ah u caga dhigatay Waddo ku taalla...

Diyaraad Dagaal oo si kedis ah u caga dhigatay Waddo ku taalla dalka Tunisia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Diyaraad Dagaalka oo laga lahaa dalka Liibiya ayaa waxay maanta caga-dhigatay Waddo ku taalla Degmadda Beni Khadash ee Koonfurta dalka Tunisia, sida laga soo xigtay Goobjoogayaal iyo Warbaahinta dalkaasi. Wakaalladda Wararka Tunisia ee TAP ayaa sheegtay in Duuliye keliya uu lasocday Diyaaradaasi, kaasi oo ay qabteen Ciiddanka Milliteriga ee ku hareeraysan Deegaanka ay Diyaaradda soo […]

- Advertisement -

Diyaraad Dagaalka oo laga lahaa dalka Liibiya ayaa waxay maanta caga-dhigatay Waddo ku taalla Degmadda Beni Khadash ee Koonfurta dalka Tunisia, sida laga soo xigtay Goobjoogayaal iyo Warbaahinta dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Tunisia ee TAP ayaa sheegtay in Duuliye keliya uu lasocday Diyaaradaasi, kaasi oo ay qabteen Ciiddanka Milliteriga ee ku hareeraysan Deegaanka ay Diyaaradda soo caga-dhigatay.

- Advertisement -

Wasaaradda Difaaca ee dalka Tunisia waxay sheegtay inuu Duuliyaha ku soo wargeliyey  inuu ku khasbanaaday inuu si degdeg ah u soo caga dhigto, cillad ku timid diyaaradda.

Ciiddanka Cirka ee dalka Tunisia waxay isku diyaariyeen inay Diyaaradda hawada kaga hortagaan, si ay khasab ugu soo dejiyaan, balse, Duuliyihii Diyaaradii Dagaalka Liibiya ee nooceedu ahaa L-39 ayaa soo dejiyey Diyaaradda, ka hor intaysan Diyaaradaha kale hawada kaga hor tegin.

Diyaaradaha Dagaalka ee L-39 waxaa asal ahaan lagu farsameeyaa dalka Jamhuuriyadda Jeek ama (The Czech Republic).

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Diyaaradda ku so odegto Waddo iyo inay gaadiidka rayidka joojiyaan, si ay u arkaan Diyaaradaasi.

Afhayeen u hadlay Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay waxay sheegeen inaysan Diyaaradda iyo Duuliyaha aysan lahayn Ciiddankooda Cirka.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda inay Diyaaradaasi leeyihiin Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee mucaaradka ku ah Dowladda Libiya, kuwaasi oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay duullaan ku ahaa caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories